Gudoomiye Cirro oo Mar Kale Wacad Ku Maray Inuu Wareejinayo Gudoomiyenimada Golaha Wakiilada.
- Zachariya Guray
- Jun 1, 2014
- 1 min read

Hargeysa (RS-N) Gudoomiyaha xisbiga waddani ahna gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee golaha wakiiladda somaliland mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro ayaa markale sidii caadada u ahayd ku wacad furay balan uu hore u qaaday taasoo ahayd inuu wareejin doono gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee golaha wakiiladda iyo sidoo kale gudoomiyaha xisbiga waddani
si kastaba aha ahaatee qorshahan gacan ku rimiska ah ee uu gudoomiye cirro hore u balanqaaday ayaa markale beenawday waxaanay dadka siyaasadda ka hadlaa sheegeen in gudoomiye cirro danno dhaqaale awgeed aanu uga tagi karin gudoomiyenimadda ku meel gaadhka ah ee golaha wakiiladda somaliland
dhanka kale warar Baligubadlemedia heshay ayaa sheegaya in xildhibaan cabdiqaadir xaaji ismaaciil jirde oo hore cabdiraxmaan cirro ugu balanqaaday gudoomiyenimadda xisbiga uu hadda khilaaf culusi ka dhex dhashay labadooda kadib markii cabdiqaadir jirde cabdiraxmaan cirro ku eedeeyay inaanu ahayn siyaasi go’aan qaadasho leh
waxaana wararku intaas ku darayaan in cabdiqaadir jirde dhawaan iskaga huleelayo xisbiga waddani kadib markii uu faro madhan ka istaagay balanqaadyo gacan ku rimis ah oo gudoomiye cirro u balanqaaday balse hadda u muuqda inay beenoobeen
si kastaba ha ahaatee gudoomiyaha xisbiga waddani ayaa u muuqda hogaamiye lumiyay fursado waawayn oo siyaasadeed waxaanaynu ka warsugi doonaa halka mustaqbalka dambe ee xisbigu caga dhigto.
Comments