top of page

Af-hayeenka Madaxtooyada oo Beeniyay In Xil Kaliya Labba Masuul Loo Wada Magacaabay.

  • Zachariya Ali Mohamed
  • Dec 25, 2015
  • 1 min read

Hargeysa(RS-N

) Afhayeenka Madaxtooyada somaliland ayaa ka hadlay booska la taliyaha madaxweynaha ee hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah oo laba masuul layskaga daba magacaabay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada somaliland Xuseen Deyr ayaa lagu sheegay in la taliyihii madaxweynaha ee hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah Cabdisamad Cumar Maal laga badalay xilkaas isla markaana loo magacaabay ku simaha garyaqaanka guud ee qaranka.

waxaana war saxaafadeedkaas lagu yidhi “Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu ugu baxay Dalka Koonfur afrika.

Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.

Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)


 
 
 

Commentaires


Featured Posts
Check back soon
Once posts are published, you’ll see them here.
Recent Posts
Check back soon
Once posts are published, you’ll see them here.
Archive
Search By Tags
Follow Us
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page