top of page

GUDAHA KA AKHRI: Xaaji Cabdi Waraabe Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay!

  • Zackariya Ali Mohamed
  • Dec 25, 2015
  • 1 min read

Hargeysa(RS-N) Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ku soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo dalka uga maqnaa xaalad Caafimaad muddo 8 maalmood ah

Balse nasiib wanaag isaga oo caafimaad qaba oo lugihiisa ku socda uu ku soo laabtay dalka, isaga oo xaajigu ka war bixiyey xaaladiisa caafimaad, mahadnaq balaadhana u jeediyey cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo geyn lagaa dhakhtar dibadeed, waxaanu u mahadnaqay dhakhaatiirtii u dedaashay oo aanay waxba ka hagran intii uu ku sugnaa cusbitaalka iyo dadweynihii ka war hayey xaaladiisa ee la soo xidhiidhaysay wakhti walba.

Xaaji Cabdikariin oo soo noqoshadii ka hadlaayey ayaa yidhi “Aadbaan u wanaag-sanahay dhakhaatiir wanaagsan ayaan ka helay Addis-ababa aadna waa laygu shaqeeyey oo binu-aadanimo ah, aad-baan ugu ladnaaday, garaacii iyo xumadiiba way iga jabeen, xanuunka jileeciisii uunbaa i haya iyo gabbaw.

Nabadgelyana Alle waa igu geeyey nabadgelyana waa igaga soo celiyey, dadkii joogayna Alle ha nabadgeliyo, waa salaanta sharciga ah ayaan salaamayaa, Dhakhtaradii iyo Hotelkii iyo dadkii odayaashii iyo ummaddii ishaqaynaysay ee i soo salaantayna salaanta sharciga ah ayaan u dirayaa alle ha nabadgeliyo, Asalaamu calaykum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu.


 
 
 

Comments


Featured Posts
Check back soon
Once posts are published, you’ll see them here.
Recent Posts
Check back soon
Once posts are published, you’ll see them here.
Archive
Search By Tags
Follow Us
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page