Faysal Cali Waraabe Oo Eedaymo Kulul U Jeediyey Madax Dhaqameedka Somaliland!
- ZACHARIYA ALI
- Dec 27, 2015
- 2 min read

RunsheegNews: Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u naqdiyey madax dhaqameedka had iyo jeer ku milma arimaha siyaasada.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey munaasibad loo sameeyey arday ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu soo jeediyey in salaadiinta loo sameeyo dabar xadeeya, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaynu maanta khatar u nahay qabyaalad ay hor kacayaan niman intay cumaamad halkan saarteen yidhaahda salaadiin ayaanu nahay oo sidii islaamihii buraan buri jiray ee kolba meel looga yeedhi jiray xaflad kasta ka buraan buraya oo waxay doonaan ku hadlaya , xeerkii aynu naqaanay iyo qiimaheenii waxaanu ka codsanaynaa in salaadiintan maalin kasta meel ka soo heesaya dabar loo sameeyo, ilaa carta ayey ka soo heeseen iyaga oo ina matalaya, qaarbaa jira aanu garba duub u xidhno marka la yidhaa Xamar shir ayaa ka jira si aanay xagaas uga soo heesin.”
Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu soo jeediyey in laga shaqeeyo midnimada uma somaliland isaga oo sheegay inuu bilaabyo socdaal uu ugu magac daray socdaalka nabada waxaanu mar kale yidhi “Haddii aynaan dadkeena midayn ma helayno ictiraaf, socdaal la yidhaa socdaalka nabada iyo midaynta somaliland ayaan bilaabayaa, waxaanan soconayaa ilaa bariga, taas ayaanan doonayaa inaan idiin bilaabo.”
Ugu danbayna gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu hanbalyeeyey gudoomiyaha maxkamada sare iyo la taliyihii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha somaliland ee Ambassador Cawil waxaanu yidhi “Waxaan habalyeynayaa gudoomiyaha maxkamada sare oo sidii sharcigu sheegayey ku dhaqmaya in lays garab taago ayaanan doonaynaa, magacaabida Ambassador Cawil ee la taliyaha madaxweynaha ee xaga ictiraafka iyo wada hadalada somaliland iyo somaliya waa nin khibrad badan, ilaahayna waxaan ka rajaynaynaa inay maskaxdiisu sida fiican u shaqayso, aqoontiina wuu leeyahay ee xaga fiican haw shaqeeyo.”







Comments