top of page

GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO ANSIXIYEY XEERKA KALA XADAYNTA NIDAAMKA XUKUUMADA IYO HAY ADAHA MADAXA

  • ZACHARIYA ALI
  • Dec 27, 2015
  • 1 min read

RunsheegNews: Mudanayaasha golaha guurtida somaliland ayaa cod aqbalabiyad ku meel mariyey xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumada iyo hay’addaha madaxa banaan oo mudooyinkii ugu danbeeyey horyaalay.

Fadhiga golaha guurtida somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayey mudanayaashu ugu codeeyeen inay xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumada iyo hay’addaha madaxa banaan ku ansixiyeen sidii ay ay golaha wakiiladu ugu soo gudbiyeen.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida somaliland Siciid Jaamac Cali oo intii aanay mudanayaashu ansixin xeerkan ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey waxaanu hadalkiisa ku bilaabay,“xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumada iyo hay’addaha madaxa banaan goluhu waxa uu haystay mudo laba bilood

ah oo ay kaga bogan karaan akhriskiisa, runta ahaantiina xeerku wuu ka duwan yahay xeerarkii hore oo waa xeerkii ay xukuumaduba ku shaqayn lahayd oo hay’adaha xukuumada ayuu kala xadaynayaa mana ah xeer wax kale khuseeya, waxaanan soo jeedin lahaa in sida ay golaha wakiiladu inoogu soo gudbiyeen aan u ansixino.”

Xildhibaanada golaha guurtida somaliland oo cod u qaaday xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumada iyo hay’addaha madaxa banaan ayaa waxa ansixintiisa ogolaaday 34 mudane waxaana diiday 4 mudane, waxaana ka aamusay 3 halka gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumada iyo hay’addaha madax banaan ee somaliland.

 
 
 

Comments


Featured Posts
Check back soon
Once posts are published, you’ll see them here.
Recent Posts
Check back soon
Once posts are published, you’ll see them here.
Archive
Search By Tags
Follow Us
  • Facebook Basic Square
  • Twitter Basic Square
  • Google+ Basic Square
bottom of page